Daawo: Guddoomiye Xassan…

Mogadishu: Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Md. Xassan Abshirow Maxamed iyo Agaasimaha Guud oo ka qeyb galay shir looga hadlayay Tubta Arrimaha Bulshada, shirkaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka XFS, Md. Mahdi Maxamed Guulleed, kana dhacay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkaas oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan hay’adaha ku jira Tubta Arrimaha Bulshada.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee looga hadlay waxaa ka mid ahaa, in hay’adaha dowladda qaarkood ay ka warbixyeen hawlihii socday iyo waxyaabaha u qabsoomay muddadii 3-da billood ahayd ee sanadka 2019. Hay’adaha iyo wasaaradaha soo gudbiyay warbixinnada waxaa ka mid ahaa, xafiiska bii’adda oo ka warbixiyey siyaasadda bii’adda iyo cimillada, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ayadana ka warbixisay halka ay marayaan arrimaha sharciga dib-u-eegista shaqaalaha iyo sidoo kale barnaamijkii is-xilqaan halka uu marayo. Madaxda Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa ka warbixiyay kormeerkii shaqo-galka Shaqaalaha Rayidka ee hay’adaha dowladda labadii bilood ee lasoo dhaafay sannadka 2019, kormeerkaas oo ku saabsanaa shaqo-galka, ku nagaanshaha iyo ka bixista shaqada iyo  anshax marinta shaqaalaha soo xaadiri waaya shaqada saacadaha shaqada sida ku cad Sharciga Shaqaalaha Rayidka.

Illaa iyo toban hay’adood ayaa soo bandhigay warbixintooda. Warbixintu waxaa si faahfaahsan loogu sheegay in hay’adaha dowladdu ay siyaabo kala duwan u istcimaalaan qaababka loo xaadirayo shaqaalaha, qaar ay isticmaalaan qalabka suul-saarka (Biometric system), qaar ay isticmaalaan buuggaag, halka kuwa kalena ay isticmaalaan waraaqo, caqabadaha iyo talo soo jeedin. Wasaaradaha soo jeediyay warbixinnadooda waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Wasaaraddu waxay soo bandhigtay qorshaha Xajka iyo siyaasadda Xajka.

 

Shirka waxaa soo xiray Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka XFS, waxaana uu aad ugu ammaanay dhammaan hay’adaha soo bandhigay warbixinnadooda. Sidoo kale wuxuu ku boorriyay inay dadaalkooda sii laba-laabbaan. “Tubta arrimaha bulshada ayaa ah mid ka mid ah Tubaha Dawladda ee muhiimka u ah hay’adaha dowladdan Nabad iyo Nolol waxaana hay’ad walba laga doonayaa in qorshaha u yaallo ay fuliso, kuna fuliso waqtiga loogu talo galay.” Sidoo kale, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenku wuxuu la dar daarmay  dhammaan madaxdii kasoo qeyb gashay shirka Tubta Arrimaha Bulshada kuwaas oo uu ka codsaday inay maskaxdooda shiilaan, ugana faa’iideeyaan aqoontooda iyo qibraddooda ummadda Soomaaliyeed.

Dhammaad