DHISMAHA GUDDI GOOB-SHAQO…

Axad 07/05/2023
Guddi Hoosaadka Kormeerka, Anshaxa & Abaalmarinta ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya oo ku guda jira Shaqa maalimeedka ayaa maanta kor joogtayn ugu tagay doorashada Guddi Goob-shaqo ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Dhisidda guddi Goob shaqo oo muhiima u ah hanaanka shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda Murashaxiinta u tartamaayay guddiga goob-shaqo oo kor u dhaafaayay 17 qof ayey shaqaalaha wasaaradda iska doorteen 7 xubnood .

Ugu danbeyn wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Mudane, Jaamac Hassan khalif ayaa soo xiray doorashada asagoo ka mahadceliyay sida habsamida iyo hufnaanta leh ee ay shaqaalaha wasaaradda iyo Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ay u qabteen doorashada asagoo xubnaha la doortay kula dardaarmay iney si dacaad iyo sinnaan ah u gutaan Waa jibaadkooda Shaqo iyo mas’uuliyadda loo igmaday. Ugu dambeyn wasiir Dowlaha wasaaradda Ahmed Cusmaan Diiriye ayaa la dardaarmey 7 xubnood guddiga Goob shaqo ee la doortey .

__________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
E-mail:Pr@ncsc.gov.so
ncsc.gov.so