Talaado-14-05-2019= Kulankan oo ahaa mid uu Guddigu kusoo bandhigay waxqabadkii 2018 iyo sidoo kale, waxyaabaha Guddiga u qorsheysan sannadda 2019. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay goobjoog ku ahaayeen Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa hadalka furay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalkka Soomaaliya, Mudane, Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi, asagoo halkaas kusoo dhaweeyay maxada iyo shaqaalaha ka socday Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda. Salaan iyo soo dhawayn ka dib, xildhibaannada ka tirsan Guddiga Arrimaha Bulshada ayaa waxaa loo qeybiyay qaar ka mid ah nuqullada waxqabadka Guddiga ee 2018. Madaxda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa waxay billaabeen soo bandhiggidda waxqabadka Guddiga ee sannadda 2018, waxaana soo jeediyay Agaasimaha Aguud ee Guddiga.
Markii soojeedintii ay dhammaatay, Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Mudane, Xassan Abshirow Maxamed ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyay waxqabadka Guddiga 2018, arrimaha shaqaalaha iyo sharciga shaqaalaha dawladda. Guddoomiyaha ayaa aad u faah faahiyay arrimahii wax laga waydiiyay. Sidoo kale, Guddomiye Abshirow ayaa waxaa uu Guddiga siiyay warbixin dheer oo ku saabsan wixii qabsoomay, caqabadaha jiray iyo arrimaha hortabinta u leh Guddiga oo ay munaasab tahay in Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay ka gacansiiyaan. “Annaga ka Guddi ahaan, runtii mararka qaar waxaad arkaysaa waxyaabo badan loo kaa yaabinaya. Mararka qaar waxaa dhacda in la soo qoro shaqaale cusub, kuwaas oo runtii aanan loo haynin wax xuquuq ah iyo koob iyo agab ay ku shaqeeyaan toona. Caqabadahaas waa kuwo jiro. Qof markii la rabo in shaqaalasiiyo waa in qofkaas loo hayaa xuquuqdiisii, koobtii iyo agabkii uu ku shaqayn lahaa. Sidaas darted, masuuliyiinta dawladda marar badan baan arrimahaas kala hadlanay, balse wali waxaad mooddaa arrimahaas inay nagu soo noq noqdeen.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalkka Soomaaliya, Mudane, Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi iyo Xubnaha kale ee Baarlamaanka ayaa aad Guddiga ugu ammaanay soo bandhiggidda waxqabadka Guddiga kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aad u heer sareeya. Guddoomiye Xildhibaan Xirsi ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay dhankooda ku dadaali doonaan in ay wax kala qabandoona caqabadaha jira, mar walbana ay aad uga fakiri doonaan Shaqaalaha Rayidka ee dawladda. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi degan.
Gunaanad:
Guddoomiye Xassan Abshirow Maxamed ayaa u mahadceliyey Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Jahhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana codsaday in ay markasta ka gacan siiyaan arrimaha la xariira Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.
DHAMMAAD