Guddomiye Xasan Abshiroow…

Maalinta shaqaalaha adduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1919-kii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha adduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxadda qoysaskooda iyo asxaabtooda.

"Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo adduunka dhan loogadabaal dago, waa maalin la xuso guulaha iyo cududda shaqaalaha ay u soo hoyiyeen wadankooda ; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraan iney bulshooyinkooda ka saaraan fakhriga.Waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa dhammaan shaqaalaha Dowaladda iyo kuwa rayidka ah oo isugu jira rag iyo haween, waxaanna ku ammaanayaa howlkarnimada ay muujiyeen iyo dadaalkooda ku aadan iney horumar gaarsiiyaan bulshadooda, waxaan sidoo kale Eeba ugu baryayaa inuu u naxariisto shaqaalahii ku geerioday ayagoo u adeegaya shacabkooda ,inta dhaawaca iyo waxyeelada soogaartayna cafimaad taam ah siiyo” ayuu yiri Guddomiye Abshiroow.


Sidoo kale Guddomiyaha ayaa xusay in shaqaalaha ay yihiin lafdhabarta dalka, loogana fadhiyo iney qayb muhiim ah ka qaataan dibu dhiska dalka, ogaadaana wadan kasta oo gaaray horumar iney hormuud u yihiin shaqaalahiisa.

"Waddan kasta oo ku tilaabsaday horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxaa laf-dhabar u ah shaqaalahiisa, waana inaan meel uga soo wada jeedsanaa sidii dalkaan aan uga dhigi lahayn mid hormar waara gaara, oo noo saamixi kara iney yimaadaan shirkado maalgashi ku sameeysta, si dadkeena shaqa la’aanta ahi loogu abuuro shaqooyin”ayuu yiri Guddomiye Xasan Abshiroow.

Ugu danbayntii Guddomiye Abshiroow ayaa ugu baaqay Wasaaradaha iyo Wakaaladaha Dowladda iney xil weyn iska saaran shaqaalaha una diyaariyaan goobo caafimaad ahaan iyo badbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado ineysan dhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xiliyada ay shaqada ku gudajiraan,kuna dhiiri-gelineysa in ay shaqooyinkooda u gutaan si hufnaan iyo howlkarnima leh.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO….

—DHAMAAD—-