Kulankan oo ahaa mid xog-wareysi ah sidoo kalena la isku waydiinayay su’aalo ku saabsan moowduuca kulanka,ayaa waxaa madaxda Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda ay kaga jaawabeen su’aalaha la waydiiyay. Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen madax kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Sidoo kale kulanka waxaa ayagana kasoo qeyb galay Xoghayayaal Joogto, Agaasimayaal Guud iyo Agaasime Xigeenno.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa waxaa uu sharraxaad dheer ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay in la helo tirokoob guud oo shaqaalaha rayidka ee dowladda oo sax ah. Agaasime Cadde ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda laga doonayo inay noqdaan kuwo tayo leh, isla markaasna si joogto ah u guto waajibaadkooda. Agaasimaha ayaa xusay in ay jiraan shaqaale u diiwaangalsan dowladda oo inta badan aan si joogto ah u gudan waajibkooda. “Waxaan ognahay ka Wasaarad ahaan inay jiraan shaqaale badan oo ka shaqeeya hay’addaha kala duwan ee dowladda oo aanan imaan goobaha shaqada, dowladdana ka qaata mushaarkooda bil walba. Taas wax la aqbali karo maahan. Madaxda sar sare ee Dowladdana waxay arrinkaas kasoo saareen go’aan cad oo ah shaqaalihii lagu helo inuusan si wanaagsan u gudan shaqadiisa, sacaadaha lagula galay heshiiskana aan shaqeynin in uu muteesanayo shaqo-ka-eryid. Waana sababta tirokoobkan loo sameenayo.”
Guddomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Md. Xasan Abshirow Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda. Guddoomiye Abshirow ayaa xusay in shaqaalaha rayidku ay ku leeyihiin xaquuq dowladda, isla sidaasna shaqaalaha rayidka ayagana laga doonayo inay kasoo baxaan waajibaadka lagu leeyahay. Guddomiye Abshirow ayaa yiri “qof kasta oo dowladda u shaqeeyo waxaa uu dowladda ku leeyahay xaquuq, si haddaba aad u hesho xaquuqdaada adna waa in aad fulisaa waajibaadkii ay dowladda ku saartay ka shaqaale ahaan. Haddii aad rabto in aad qaadato bil walbo mushaar balse aadan rabin inaad subax walbo soo kallahdo oo aadan xafiiskii shaqada imaanin sidee dowladda u warsanaysaa xaquuq kaaga maqan? Qofka shaqaalaha ah waxaa la dulsaaray waajibaad shaqo, markuu kasoo baxo ayuuna leeyahay xaquuqdiisa. Annaga ka Guddi ahaan waxaan ku dadaalaynaa in qof ka mid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda aanan la duudsiinin xaquuqdiisa, sidoo kale, waxaa waajib na saaran ah in aanan ogolaanin qof aan waajibkiisa kasoo bixin in dowladda uu ka qaato mushaar bil walbo.”
Kulanka ayaa waxaa soo gabagabeeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Mudane, Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Wasiirka ayaa tilmaamay in siyaasadda Dowladda Nabad iyo Nolol eek u aaddan shaqaalaha rayidka sheegay inay tahay mid cad.
“Madaxda Dowladda waxaa ka go’an in ay ilaaliyaan xaquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed. Si taas u hirgasho, shaqaaluhuna waa inay ayagana ilaaliyaan waajibaadka la saaray. Ahmiyadda ayuu leeyahay tirokoobkan waxa weeye inaan qofna la dulmin, qofna loo rooraan. Qofka kasta oo dowladda u shaqeeya waa inuu kasoo baxayaa waajibaadka saaran. Waxaan ogahay inay jiraan shaqaale ku maqan bannaanka (Dibedda) oo aan dalka joogin, isla markaasna aysan jirin cid dirsatay ama ay u maqan yihiin oo ka warqabta. Sabab ay ku qaatan xaquuq kuwaas majirto. Tirokoobkani wuxuu kala caddeenayaa cidda sida saxda ah u gudato waajibaadkeeda iyo cidda aanan gudan. Si taas oo kala caddaato waa in madaxda hay’ad kasta oo dowladda ahi ay xaqiijiyaan tirokoobkan, si hufnaan iyo daacadnimo ku dheehan tahayna loo wada mariyaa dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.”Wasiir Ku-xigeenka ayaa ka codsaday dhammaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan Agaasimayaalka Wsaaraddaha/Hay’adaha inay la shaqeeyaan guddiga ku hawlan tirokoobkan, una fududeeyaan sidii barnaamijkani uu u noqon lahaa mid dhaxal gala.
Gunaanadkii, Wasiir Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay dhammaaan madaxdii kala duwanayd ee kasoo qeyb gashay kulanka.
Dhammaad