XUBNAHA GUDDIGA QARANKA…

ARBOCO- 03-07-2019= Saakay oo ay taariikhdu tahay 03-July-2019, waxaa xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Soomaaliya ka dhacday doorasho lagu dooranayay Xoghayaha cusub ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Soomaaliya. 

Abbaarihii 11:00AM ee barqonimo ayaa waxaa hoolka shirarka ee Axmed Badul Hilowle isugu soo xaadiray dhammaan xubnaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Soomaaliya kuwaas oo tiradoodu ay ahayd saddex iyo toban (13) xubnood. Guud ahaan xubnaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dawladda waxa ay ka koobanyihiin Afar iyo Toban (14) xubnood balse waxaa maqnaa hal xubin oo xubinnimadiisii banneeysey, weline aan la buuxin.

Jagada Xoghayaha Guddiga waxaa isu soo sharraxay labo musharrax oo ka tirsan Xubnaha Guddiga, waxayna kala ahaayeen Mudane, Deeq Ciise Xaaji iyo Mudane, Cabdiweli Maxamed Daa’uud.

Sida caadada ah, waxaa xafladda lagu daahfuray Aayadaha Quraanka Kariim ka ah. Waxaa xafladda erayo furitaan oo kooban kasoo jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda, Mudane, Xassan Abshirow Maxamed ahaana Guddoomiyaha Guddiga Doorashada. Furitaan keddib, Cabdikarin Sheekh Xasan oo ah xubin ka tirsan Guddiga Qaranka doorashada, ayaa wuxuu isna meesha ka aqriyay shuruudaha laga doonayo inuu buuxiyo qofka isku soo sharraxayo Jagada Xoghayaha Guddiga. Intaas keddib, xafladda doorashada jagada Xoghayaha Guddiga ayaa si rasmi ah loo gudogalay.

Waxaa kalmado kooban iyana meesha ka soo jeediyay musharrixiintii u tartamaysay jagada Xoghayaha Guddiga, waxaana isla goobtii inta aysan codayntu bilaaban halkaas ku tanaasulay mid ka mid ah musharrixiintii oo ahaa Md. C/weli Maxamed Daa’uud. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jagada Xoghayeha Guddiga, ahna Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa uu ka codsaday xubnaha Guddiga inay codka kalsoonida ah gacanta ugu taagaan musharraxa loo tanaasulay. Waxaa oggolaatay toban iyo kow (11) xubin, waxaana ka aamustay labo (2) xubin, sidaas ayaana waxaa Xoghayaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda loogu doortay Mudane, Deeq Ciise Xaaji.

Waxaa xafladda doorashada Xoghayaha Guddiga goobjoogeyaal ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay hay’daha Dawaladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo laga xusi karo, Agaasimeha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cadde, La-taliyaha Madaxweynaha JFS Mudane, Maxamed Jaamac Labaale, La-taliyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Mudane, Shaacir Guulled Xareed, Agaasimeha Guud ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Mudane, Abdinasir Shiekh Mire  iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda iyo Mas’uuliyiin kale ee ka socday Hay’adaha Dawladda

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jagada Xoghayeha Guddiga, ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane, Xassan Abshirow Maxamed ayaa intaas keddib u mahadceliyay Mudane Cabdiweli Maxamed Daa’uud sida wanaagsan ee uu ugu tanaasulay walaalkiisii la tartamayay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, waxaa uu u mahadceliyay Xoghiyihii hore ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Mudane Axmed Faarax Cali asagoo ku ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee intii uu hayey jagadaas soo qabtay. Sidoo kale, Guddoomiye Abshirow ayaa u rajeeyey Xoghayeha cusub ee Guddiga in masuuliyadda loo igmaday maanta Alle u fududeeyo, noqdana mid ka soo baxa waajibaadka laga doonayo qabtana shaqooyin wanaagsan. Guddoomiyaha ayaa mar kale u mahadceliyay marti-sharaftii ka soo qeyb gashay Xafladda Doorashada Xoghayeha Guddiga.

 

DHAMMAAD